Rikoor Cusub:
Bayer Leverkusen 51-kulan oo aan laga badin ayaa soo idlaatay iyadoo Ademola Lookman uu seddexley cajiib ah u dhaliyay kooxda Atalanta oo 3-0 ku badisay finalka Europa League.
Atalanta oo ku guuleysatey Uefa Europa League |
Kooxda Atalanta ayaa ku guuleysatey Uefa Europa League kadib markii ay 3-0 ku garaacdey kooxda Bayer Leverkusen oo kana jabisey rikoorkii guul darra la'aanta ahaa ee xilli ciyaareedkaan kusoo jirtey finalkii xaley.
Koxda kubadda cagta ee Bayer Leverkusen ayaa 50 ciyaarood oo xariir ah guul darro lasoo kulmin iyaga oo doonaayey xaleyna rikoorkoodii 51-aad oo guul darro la'aan ah in ay sameeyaan, balse Atlanta ayaa ka diidey oo rikoorkoodii ka hor istaagey kana jabiyey.
Kooxda Atalanta ayaa sido kale ku guuleysatay koobka Europa League iyada oo ciyaaryahanka reer Nigeria Lookman seddexley gool u saxiixey kana caabiyey in ay ka guuleystaan Bayer Leverkusen qaadaan na koobkan.
Ciyaaryahanka Reer Nigeria ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee ka dhilayay hat-trick finalka Europa League, waxaa uuna kooxdiisa ku iloowsiiyey guul darradii ay kala soo kulmeen Juventus Finalka Copa Italia todobaadkii hore.
Atalanta ayaa markii ugu horeysey imaadey finalka tartamada UEFA waxaa ay sameeyeen taariikh cusub dhankooda.
Hada koxda Bayer Leverkusen waa uu ka jabey rikoorkooda, waxaa ayna noqdeen koxdii ugu horeysey ee 50 ciyaarood xariir ah aan guul dareysan.
Sido kale Atalanta ayaa noqotey koxda ka jebisey rikoorka bayern leverkusen 50 ciyaarood oo is xig xigey kadib.
Atalanta ayaana noqotey hadda koxda ku guuleysatey Uefa Europa League.
Warar kale:👈
Post a Comment