RASMI: Massimiliano Allegri masii ahaan doono tababaraha Juventus

RASMI: Massimiliano Allegri hadda ma ahan tababaraha kooxda Juventus.

Massimiliano Allegri

Juventus ayaa ceyrisay Massimiliano Allegri labo maalmood ka dib markii uu kooxda ku hogaamiyay koobkii Talyaaniga.

Kooxda Turin ayaa 1-0 ku garaacday Atalanta kulan ka dhacay Rome, laakiin Allegri ayaa xilli dambe casaan loo taagay ka dib markii uu aflagaadeeyay madaxda ciyaarta isla markaana uu gacan haatiyay agaasimaha ciyaaraha intii lagu jiray dabaaldegga.

Maxkamada edbinta ee xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa baaritaan ku bilowday Allegri.

Jimcihiina, Juventus ayaa xaqiijisay inuusan hadda ahayn madaxooda.

“Cayrintu waxay daba socotaa dhaqamada qaar inta lagu guda jiro finalka koobka Talyaaniga iyo kadib taasoo kooxdu ay u aragtay mid aan ku haboonayn qiyamka Juventus iyo habdhaqanka ay tahay in kuwa matalaya ay qaataan” ayaa lagu yidhi bayaan.

Post a Comment

Previous Post Next Post