Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Aurélien Tchouameni oo dhaawac dartiisa ku seegi doona Euro 2024

Aurélien Tchouaméni oo dhaawac cagta ah ku seegaya Euro 2024

Sida laga soo xigtay wargeyska L'Équipe, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Marseille Jordan Veretout ayaa loogu yeeri karaa inuu bedelo Aurélien Tchouaméni ee dhaawaca ah ee kooxda Didier Deschamps si uu u matalo France Euro 2024. 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid ayaa booqday khabiir caafimaad oo Mareykan ah jimcihii si uu ugu caawiyo soo kabashadiisa.

Jordan Veretout

Tchouaméni ayaa dhaawac cagta ah ka soo gaaray intii uu u ciyaarayay Los Merengues 8-dii May taas oo ka dhigtay in uu u tartamo wakhtiga lagu dhawaaqayo in uu taam u yahay in uu u matalo Les Bleus tartanka qaramada Yurub ee Germany.  

Ugu dambeyntiina, ciyaaryahankii hore ee Monoco ayaa ka qeeb gali doonin tartanka, Deschamps wuxuu bilaabay inuu raadiyo beddelka suurtagalka ah ee uu ku bedeli karo Tchouaméni xulka.

Veretout ayaa u soo baxey waana ciyaaryahanka ugu macquulsan ee lagu bedeli karo ciyaaryahanka khadka dhexe ee France. Waa hadii uu si dhaqsi leh ugu soo caafamaadi waayo dhaawaciisa cagta. 

Deschamps ayaa horay ula soo xariirey Veretout si uu u fahmo in la heli karo haddii looga baahdo inuu galo kooxda Les Bleus ee tartanka caalamiga ah ee soo socda.

Warar kale

Post a Comment

Previous Post Next Post