Real Madrid Waa Championska Yurub.

 Real Madrid Waa Championska Yurub.


Warbixinta Ciyaarta:

Ciyaar xiisa iyo xamaasad isku darsatey ayaa waxaa ey ka dhacdey sabtidii 1-da June gegida wembley ee ku yaala London, taas oo u dhaxeysey labada dhinac oo kala ahaa Borussia Dortmund iyo Real Madrid.

Ciyaarta ayaa aheyd mid kama dambeys ah maadaama ey labada dhinac ay u dagaalamaayeen guusha iyo ku guuleysiga koobka dhega weynaha Yurub ee Champions League.

Borussia Dortmund oo kasoo gudubtey PSG ayaa isku soo xaadirisey Wembley halka Real Madrid iyadana kasoo gudubtey Bayern Munich, waxeyna sidaas ku wada ciyaareen Finalka.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatey xoogahoo yar oo qalalaasa ah kadib markii ey garoonka ku soo yaaceen 4 qof, waxey dib u dhac ku sabatey ciyaarta.

Qeebtii hore ee ciyaarta labada dhinacba waxaa ay iska khasaariyeen fursado muhiim ahaa. Fedrico Valverde iyo Julian Brandt ayaa iska khasaayeen fursadihii soo marey ciyaarta bilowgeed.

Waxaa si qurux badan u socotey ciyaarta iyada oo Borussia Dortmund ay aheyd kooxda isku dayeeysey iney gool dhaliso, waxaa ayna abuurtey fursado qurux badan oo loo badeli karey goolal.

Ciyaaryahanka Borussia Karim Adeyemi ayaa heley fursad muhiim ah balse waxaa ka badbaadiyey goolhayaha koxda Real Madrid ee Thibaut Courtois.

Dortmund ayaa sii wadatey cadaadiskeeda iyaga oo Ian Maatsen iyo Niclas Fullkurg ay ku dhowaadeen in ay shabaqa soo taabtaan.

Sancho ayaa fursado u abuurey Adeyeymi kaas oo qalqal gelinaayey kooxda Real Madrid, Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa muujinaayey walaac iyada oo kooxdiisa la dhibaatooneysey weerarada Dortmund kusoo qaadeysay.

Vinicius Junior ayaa loo taagey kaarka digniinta kadib markii uu goolhayaha qalad ku galey.

Thibaut Courtois ayaa sameeyey badbaadino muhiim ah asiga oo koxdiisa ka difaacayey weerarada deg dega ahaa ee Borussia ay soo qaadeysey.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Dortmund ayaa halkeeda ka sii waday dadaalkeeda ahaa in ay ciyaarta maamusho, laakiin khibrada Real ayaa soo muuqatey. 

Vinicius Junior waxa uu iska ilaalinaayay in la siiyo jaalaha labaad ee quusitaanka ah, xiisadana waxa ay ahayd mid aad u saraysay iyada oo dhawr jaale la qaatay. 

Inkastoo Dortmund ay koontarooleysay, hadana ma aysan dhalin karin goolal, ciyaarta ayaana laga dareemayay halis iyadoo Real Madrid ay mar walba halis aheyd.

Toni Kroos ayaa laga badbaadiyey 2 Free-kick ah oo si toos ah u toogtey goosha Borussia Dortmund balse waxaa ka badbaadiyey labadaba goolhayaha koxda Borussia Dortmund.

Vinicius ayaa soo bandhigey weji ka duuwan qeebtii hore asiga oo geeska bidix aad ugu soo galaayey Dortmund waxa ayna sababtey ugu dambeyn in uu koorna ku sababo.

Toni Kroos ayaa laad ka keeney koornada waxaa madax ku dhameystirey Carvajal oo hoggaanka u dhiibey Real Madrid daqiiqadii 74 aad ee Ciyaarta.

Intaas ka dib Jude Bellingham ayaa dhexda ka qabsadey baas ey so qaldeen daafacyada Dortmund asiga oo goosha toogan karo ayaa waxaa uu ka caabiyey Vinicius Junior kaas oo goolkii 2aad ee Real Madrid shabaqa ku hubsadey ciyaartana diley.

Dortmund ayaa gool soo daahday laga diiday sabab la xariirta offside-ka, Real Madrid inkasta oo ay ku bilaabatay si adag hadana si dar dar leh ayay ku dhamaysatay, taas oo muujisay awoodeeda ay ku badin karto.

Real Madrid mar walba waxay heshaa hab ay ku guuleysato marka ay timaado Champions League, iyadoo ay ugu wacan tahay kalsoonida xoogan iyo taariikhdeeda qaniga ah.

Ciyaartu way dhamaatay,waxana ugu danbayn ciyaarta ku dhamaatay 0-2 Real Madrid. 



Dhacdooyinka ciyaarta waxaa kamid ah:

  1. Real Madrid ayaa guuleysaneysey dhamaan 8-dii Final ee Champions League oo ay soo xaadirtey tan iyo 1983-kii.
  2. Real Madrid ayaa ku guuleysatey Champions League keedi 15 aad taariikhda.
  3. Modrić, Kroos, Nacho iyo Carvajal dhamaantood waxaa ay ku guuleysteen Champion koodii 6-aad mana jiro ciyaartoy lamid ah oo heysta intaas.
  4. Dani Carvajal ayaa ku guuleystey xiddiga ugu fiicna ee ciyaata.
  5. Bellingham ayaa ka qaadey UCL ka kooxdiisi hore.
  6. Bellingham ayaa gool ku caawiyey koxdiisa hore.

Sawirkaan waxaa uu ka tarjumayaa Modrić in uu u ishaarayo Toni Kroos in uu 6 farood soo taago taas oo micnaheeda yahay waxaanu heysanaa min 6 UCL.

Nagu xirnow si aad u heshid wararkii gu dambeeyey ee ciyaarha.

Akhriso wararka kale

Post a Comment

Previous Post Next Post